Madaxweynaha dowladda Puntland oo u dhoofay dalka Itoobiya.[Cod/masawiro]
April 24, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalda Gaalkacayo isagoo u anba baxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia halkaasi oo uu kaga qayb galaya shir ballaaran oo muhiim u ah arrimaha manda-qadda Geeska Africa.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in shirkaasi si rasmi ah loogu casumay Dawladda Puntland, sidoo kalena ay ka qayb gali doonaan qaar ka mid ah madaxda sare ee dalalka Geeska Africa.
Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame , wasiirka ammaanka Puntland Xasan Cisman Alloore iyo saraakiil kale oo madaxtooyada ka tirsan.
no images were found
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa warbaahinta la hadlay ka hor intii uusan ka anba bixin garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo, wuxuuna si kooban u sheegay in isaga iyo masuuliyiinta kale ee la soctaaba ay dalka ethiopia ku sugnan doonaan mudo kooban , kadiba ay dib ugu soo laaban doonaan gudaha Puntland.
Hoos ka dhagayso Madaxweynaha Puntland oo la hadlay saxaafadda inta uusan ka dhoofin garoonka C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/f7nx5zzfx8/Gaas.mp3]–DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.