Madaxweynaha Juba oo la kulmay wafdi ka socda dowladda Britain (Masawiro)
April 29, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu horkacayo Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Mr.Neil Wigan Safiirka dolwada Bitain ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba.
Wafdiga Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Mr.Neil Wigan ayaa waxaa uu kulan la qaatay madax ka tirsan Maamulka Juba iyo odayaasha dhaqanka ee gobalka waxaana uu balan qaaday Mr Neil Wigan in dowladiisa ay dardar galin doonto mashaariica harumarineed ay ka wado dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Juba Sheekh Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyey safiirka dowladda Britain Mr.Neil Wigan
waxaana uu ka codsaday in Maamulkiisa laga taageero kaabayaasha dhaqaalaha lana labo jibaaro kaalmada la siinayo Soomaaliya.
no images were found
Wafdiga Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Mr.Neil Wigan iyo Simon Fraser oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Britain ayaa waxaa ay balan qaadeen in ay taageero dhinac walba ah u fidin doonaan Maamulka KMG ee Juba
Cabdi Yare
Kismaayo
Xuquuq Sawirada Dhanaan.com