Madaxweynaha Puntland iyo Galmudug oo ku kulmay magaalada Gaalkacyo (Masawiro)
April 17, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa maanta aqalka uu ka degen yahay magaalada Gaalkacayo waxa uu ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Abdiweli iyo Gen. Qaybdiid ayaa wada qaatay kulan gaar ah, kadibna waxay warbaahinta u sheegeen waxyaalihii ay kulankooda kaga wada hadleen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa ugu horrayn sheegay inuu soo dhoweynayo Madaxweynaha Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla maraakana uu ku faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen.
Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inay kulankooda kusoo qaadeen sidii loo adkayn lahaa xiriirka dawlada Puntland iyo maamulka Gal-mudug sidoo kalena looga wada shaqayn lahaa adkaynta amaanka, kocoba dhaqaalaha iyo ilaalinta deegaanka.
Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa dhankiisa tilmaamay in ay si qota dheer uga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay adkaynta nabadgalyada.
Ugu danbayntii labada masuul ayaa si wada jir ah u sheegay in wixii farsamo ah ee ku salaysan sidii loo dhaqaajin lahaa arrimaha ay ka wada hadleen in loo saaray guddi ka shaqeeya oo hawsha halkaa kasii anbaqaada, isla markaana gudigaasi la samayndoono sida ugu dhakhsaha badan.
—DHAMAAD–
Xafiiska, Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.