Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa oo gaaray dalka Itoobiya.[Masawiro]
April 24, 2014 - Written by EditorEthiopia :-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/iweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminaayey oo saaka subaxnimadii ka soo ambabaxay magaalada Galkacyo ee Puntland ayaa gaaray laguna soo dhaweeyey Caasimadda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Socdaalka Ethiopia ee Madaxweyne Cabdiweli waxaa ku wehelinaaya Wasiirka Amniga dowladda Puntland Mudane Xassan Cusmaan Aloore, Wasiirka Waxbarashada Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame iyo saraakiil kale oo Madaxtooyada ka tirsan.
Wafdiga Madaxweyaha Puntland ayaa lagu martiqaaday shir ka dhici doona magaalada Bahir Dar oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia ayna iskugu imaanayaan Madaxda Dalalka Afrika loogana wada hadlayo qodobo ka mid ah Amaanka Qaaradda Afrika.
no images were found
Wafdiga Dawladda Puntland ayaa intay ay ku sugan yinhiin Ethiopia sidoo kale kulamo la qaadandoona Madaxda kala duwan ee shirka ka soo qayb galaysa.
–DHAMAAD–
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland