Madaxweynaha Puntland iyo waxgaradka Gaalkacyo oo kulan xasaasi ah uu dhexmaray (Dhageyso)

April 9, 2014 - Written by Editor

4Gaalkacyo:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kulan la qaatay waxgaradka magaalada Gaalkacyo waxaana kulanka sidoo kale ka soo qeyb galay Masuuliinta gobolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradka magaalada Gaalakcayo ee xarunta gobalka Mudug ayaa si adag uga hadlay xaalada guud ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan amaanka iyo gaabiska dowlada Puntland waxaana ay waxgaradka ka codsadeen Madaxweyne Gaas in dowladiisa ay la timaado waxqabad dhab ah oo muuqda.

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag uga jawaabay codsiyada ka yimid waxgaradka iyo adayaasha dhaqanka waxaana uu ka codsaday Reer Mudug in ay dowlada la shaqeeyaan oo cabashada joogtada ah ay joojiyaan ,wuxuuna sheegay in dowladiisa diyaar u tahay in ay wax ka qabato magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ku eedeeyey waxgaradka magaalada Gaalkacyo in ay ka gaabiyeen in ay la shaqeeyaan dowladda Puntland waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ah magaalo muhiim ah oo ganacsi aysan halgaari oo Boolis ah iibsan karin halka magaalada Rako Raaxo ay dowlada u soo bandhigeen dhul iyo gaari ayna doonayaan Saldhig boolis in ay furtaan dowladana ay ka cod sadeen halgaari.

Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka magaalada Gaalkacyo iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa xalay u wada hadlay si dhab ah waxaana la isla qaatay in qolo walba ay la timaado taageero iyo in la ilaaliyo amaanka magaalada Gaalkacyo oo baryahaan danbe aad u fiicnaa.

no images were found

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa waxaa la wada dhowrayaa in uu wax ka qabto magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay dowladihii ka  horeeyey ay waxba ka qaban waayeen waxaana magaalada ay kooxda amniyaad ka Al-Shabaab ay ku dileen dad aad u tiro badan haddaba su,aashu waxay tahay Madaxweyne Gaas wax ma ka qaban doonaa Gaalkacyo iyo reer Mudug mise waxaana ku dhaboobi doonta oraadhii ahayd reer Mudug iyo Sharciga yaa u garnaqi doona.

Hoos ka Dhageyso qeyb ka mid ah  Khudbadii Madaxweyne Cabdiweli ka Jeediyey kulankii uu la qaatay waxgaradka magalada Gaalkacyo.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pkhybnet55/Gaasreergaalkacyood.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online