Madaxweynaha Puntland oo booqday Machadka Xanaanada Xoolaha ee Gaalkacayo.[Masawiro]

April 10, 2014 - Written by Editor

IMG_8048Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay machadka xanaanada xoolaha ee ku yaalla magaalada Galkacayo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxweynaha waxaa booqashada uu ku tagay machadkaasi ku weheliyay masuuliyiin ka mid ah golayaasha dawladda, waxayna xarunta machadka kula kulmeen ardayda wax ka barata kuwaasi oo sharaxaado kala duwan ka siiyay tacliinta ay ka bartaan machadka xanaanada xoolaha ee Magaalada Galkacayo.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi, wuxuu sidoo kale ardayda wax ka barata machada xanaanada xoolaha kula dardaarmay inay waxbarashada sii wataan ilaa ay ka dhamaystiraan. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabd-weli ayaa ardayda wax ka barata machadka ku boori yey in barashada xanaanaynt xooluhu ay tahay mid muhiimad weyn u leh dalka, maadaama aynu nahay bulsho ku tiirsan xoolaha nool.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Cabdiweli Seed oo kulanka ka qayb galay ayaa sheegay in machadkaani uu qiime weyn ugu fadhiyo wasaaraddiisa, isla markaana ay si gaar ah ula socon doonaan ardayda wax ka barata machadka xanaanada xoolaha ee Galkacayo.

Cabdi-raxmaan Cabdirsaq Cabdiraxmaan madax Hay’adda Tadaamun oo iyadu hir galisay machadkaasi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu soo booqdo machadka, isla markaana uu wax ka ogaado qaabka uu shaqeeyo.

no images were found

Ardayda wax ka barta machadka Xanaanaa Xoola ee Galkacayo ayaa iyaguna si diiran usoo dhoweeyey Madaxweyne Gaas, waxayna sheegeen inay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan wax barashada xanaanada xoolaha, isla marlaana aysan dayici doonin fursada ay haystaan, iyagoo sharaxaado kala duwan Madaxweynaha ka siiyay qaabka ay wax u bartaan.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta Iyo
Hiddaha Iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online