Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo

April 7, 2014 - Written by Editor

Rw-GaasGaalkacyo:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu ka hadlay dhawaan dilkii loo geystay Saraakiil ka tirsan  hay’adda Qaramada Midoobay UNODC oo saaka uu Garoonka diyaaradaha C/llaah Yuusuf ee Gaalkacyo uu ku dilay askari la sheegay in uu ka tirsanaa Ilaalada Garoonka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa saxaafadda u sheegay in falka dilka ah loo hayo labo ruux ayna socdaan baaritaan markii baaritaanku ay soo dhamaadaan ay saxaafaddu helli doonto wax ka soo baxa baaritaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay tahay nabad ayna aqbli doonin  in amni xumo laga sameeyo cid walba oo isku dayada arrinkaasna ay la dagaalami doonaan.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu tacsi gaar ah u diray eheladdii Saraakiisha lagu dilay saaka Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee Gaalkacayo isagoo xusay in falalka noocaan oo kale ah ay ka dhacaan aduunka intiisa kale.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online