Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Shir looga hadlayo ilaalinta Deegaanka.[Cod/Masawiro]
April 8, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Shirwayne looga hadlayay deegaanka Iyo sidii loo ilaalin lahaa ayaa waxaa lagu qabtey xarunta dowlada Puntland ee Garoowe waxaana shirkaas ka soo qeyb galay gudoomiyaasha 9 gobal ee Puntland iyo maayarada degmooyinka, hay’adaha iyo NGO-yada ka shaqeeya arimaha deegaanada Puntland
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo ilaalin lahaa deegaanka xaalufka iyo nabaad guurka ka socda deegaano ka tirsan Puntland iyo dhibaatada ay keentay xaalufinta deegaanada
Wasiiraka Deegaanka Duurjoogta iyo dalxiiska Puntland Guuleed Salax Bare ayaa khudbad kooban ka jeediyey shirka waxaana uu aad ugu dheeraaday ahmiyada ay leedahay in la ilaaliyo deegaanka lagana ilaaliyo nabad guurka iyo gubista dhuxusha.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulahi xaaji Cumar Camay waxaana madaxweynaha uu ka hadlay dhibaatada ay xaalufinta iyo nabad guur-ka ay ku heyso Soomaaliya oo dhan gaar ahaana Puntland wuxuuna mahad balaaran u celiyey wasaarada Deegaanka Duurjoogta iyo dalxiiska oo xil iska saartay ilaalinta deegaanka.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in ay canshuur dhaaf u sameyn doonaan cid walba oo la timaada qorshe ka duwan isticmaalka dhuxusha si loo ilaaliyo deegaanka
no images were found
Dowlada Puntland ayaa ku guuleystay in deegaano badan ay ka joojisay gubista dhuxusha waxaana ay dagaal ku qaaday kooxo ka ganacsada dhuxusha oo xaalufin badan ku hayey deegaano ka tirsan Puntland waxaana ka mid ah deegaanada lagula dagaalamaya kooxaha xaalafuya deegaanka Degmada Dhahar ,Degmada Ayl ,Degmada Jariiban .Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey gudoomiyaasha degmooyinka Dhahar,Eyl iyo Jariiban.
Hoos ka dhagayso khudbadii Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng, Cabdixakiin C/laahi xaaji Cumar Camey
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/d5dr2dyc5a/Camey.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M Deeq
Halgan.net