Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xariga ka jarey wado cusub oo laga hir-galiyey Garowe.(Masawiro)
April 26, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa furay waddo laami ah oo laga hir-galiyey gudaha magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.
Xaflada lagu furay dhismaha wadada laamiga ee laga hirgalinayo Garoowe ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Cabdicasiis Nuur Cilmi Duqa magaalada Garoowe.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Camey ayaa sheegay in Waddada laga hir-galinayo gudaha magaalada Garoowe wuxuuna sheegay in dhererkeedu yahay 500 mitir waxaana iska kaashanaya hergalinteenda Hay,da Qaramada Midoobay iyo Puntland.
Wadada saaka la bilaabay in laga hergaliyo ayaa waxay noqoneysa tii afaraad ee laga hergaliyo magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland, Cabdullaahi Xaaji ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay iska kaashadaan horumarka iyo adeega Bulshada Puntland
no images were found
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa sheegay in dowladiisa ay soo dhaweynayo harumarka iyo dadaalka ay wadaan Maamulka iyo Dadweynaha Garoowe wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay dhaqaalo ku kabi doonto harumarinta iyo adeega bulshada ee haatan ka socda Degmooyinka Puntland.
M_M Deeq
Halgan.net