Mu’asasada Minhaaj oo shaacisay in la qaban doono Tartanka Quraanka ee Heer Gobol.[Masawiro]
April 8, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Mu’asasada Al-Minjaah ee dacwada iyo horimarinta ayaa galabta waxaa ay u soo bandhigtay shacab reer puntland talaabada ay ugu diyaar garoobayaan tartanka Quraan ka Kariimka ah ee Heer Gobol,kaasi oo la qabto sanad kasta marka la gaaro Bisha Barakay san ee Ramadaan.
Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaah Sh.Maxamed Maxamuud Ciise oo Saxaafada kula hadlay magaalada Bosaso ayaa sheegay in tartanka Qur’aanka Kariimka ah la qaban doono bisha Ramadaan,wuxuuna xusay in saddexdii sano ee ugu dambaysay ay tartanka xoogiisa ay ay ka qayb qaadanaysay Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis,hasa yeeshe sanadka ay u furan tahay dhamaan Shirkadaha dalka iyo cid kasta oo ka qayb qaadanaysa dhiiri galinta Ardayda ku baratamaya Qawlka EEBE.
”Qur’aanka Kariimka ah Tartankisii la qaban jiray waa la qaanayaa,waxaana lagu qabanyaa Garowe,Bisha Ramadaan ayaa la qabanayaa,waxaan iclaamainaynaa Bulshada Muslimka ah ee Puntland ku dhaqan iyo dadka Qur”aanka Kariimka ah ka saqeeya in tartankii uu xiligii jiro loona diyaar garoobo”Ayuu yiri Guddoomiyaha Mu’asasada Minhaaj.
Wuxuu intaas ku daray in tartanka looo xilsaaray Guddi ka kooban saddex xubnood,kuwaas oo kala ah:-
1-Sheekh Cismaan Maxamuud Xaaji Diriri
2-Sheekh Axmed Yuusuf Daad.
3- Ustad Maxamed Cabdulaahi Cabdule.
Sidoo kale waxaan u iclaaminaynaa in hawsha tartanka lagala soo xiriiri doono saddexda xubnood,tartanka Qur’anka Kariimka ah xoogiisa Shirkadda Golis ayaa maalgalinaysay laakiin sanadkaan Shirkadaha oo dhan waa u furan tahay,waana ku dhiiri galinaynaa Quraan ka sharfidiisa iyo Kor u qadidiisa waan ku dhiiri galinaynaa”Ayuu yiri Sh. Maxamed Maxamuud Ciise.
no images were found
Dhanka kale Gudoomiyaha Minhaaj ayaa ka codsaday Xukuumadda Puntland inay ka qayb qaadato dhiiri galinta tartanka. Sheekh Maxamud Xaaji Dirir oo ka mid ah Guddiga tartanka oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay inu soo dhowaynayo hawsha loo igmaday wuxuuna xusay in dhowaan ay sxoo gudbin doonaan Xogta tartanka.
Mu’asasada Al-Minjaah
Halgan.net, Somalia