Mu,tamarkii 3aad – oo ka bilaaban doona Markazka Al-Tawxiid ee magaalada Kampala
April 18, 2014 - Written by EditorKampala:-Markaz tawxiid waxaa uu ogaysiinayaa ummada soomaaliyeed meelwalba ay joogaan in uu bilaabmayyo mu,tamarkii 3aad maalinta jimcaha ay taariikhdu ku beegantahay 18 april salaada casir dabadeed mutamarkaan ayaa socondoono muddo 8 casho.
Xilli ay soo gaareen culimadii mutamarkaan martida u ahayd mutamarka lagu qaban doono xarunta wadankan Uganda culimadan ayaa qabandoonta muxaadarooyin lagu wacyi galinayyo bulshada soomaaliyeed ee reer Uganda.
Markazka tawxiid oo ku wargalinayya in dhammaan ummada soomaaliyeed ay kasoo qeeb galaan barnaamijkan dacawiga ah gaar ahaan odayaasha dhalinyarada ganacsatada haweenka iyo dhammaan qeebaha bulshada iyadoo aysan kamarnayn bahda saxaafada.
Culimada kaqeeb qaadandoonta ayaa waxay kalayiheen sidan
1- Sh.Maxamed Axmed idiriis
2- Sh.Maxamuud Maxamed Maxamuud ( shibli )
3- Sh.Maxamed Macalin Axmed (madaxa jaamacadda geeska Africa )
4- Sh.Cali maxamuud xassan ( wajiis )
5- Sh.Maxamed Cumar Dirir
Maaha markii ugu horaaysay mu,tamar caynkan ah lagu qabto kampala waxay ahayd horaantii sanadkii tagay oo magaalada kampala lagu soo gabagabeeyay mutamarkii 2aad kaa oo ay kaqeebqaateen culimo uu horkacayyay sh.Mustafa Xaaji ismaaciil.
Si kastaaba ha ahaatee markazka tawxiid oo ah midku caanbaxay qabanqaabada mu,tamarada caynkaan ah iyadoo ay intaa usii dheertahay dardargalinta barnaamijada dacawiga ah ee wadankan Uganda
Abdisamed Hassan hersi
Halgan.net-kampala