Nadwo diini ah oo loo qabtay gabdhaha Soomaaliyeed ee Khartum.[Masawiro]
April 19, 2014 - Written by EditorSudan:-Waxaa galbanimadii Jimcaha ee ku beegnayd 18/4/2014-18/6/1435 ka dhacday Nadwo diini ah oo balaaran hoolka xarunta dacwada ee jaamacada Afrika ee magaalada Khartuum ee wadanka Sudaan, nadwadaas oo ay soo qaban qaabisay Raabidada(iskuxirka) ardayda soomaaliyeed ee Sudan.
Nadwadaas oo loo qabtay guud ahaan haweenka soomaaliyeed ee ku nool wadankaas, ha ahaadeen ardayda wax ka barata ama jaaliyada ku nool, ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay kaalinta ay haweenka ducaada ah ku leeyihiin toosinta iyo horumarka umadda.
Bilowgii Nadwada waxaa hadal kooban ka jeediyey gudoomiyaha ururkaas Sheekh Xassan Muuse Nuux oo ku nuux nuux saday muhimada ay lee yihiin kulamada noocan oo kale ah, sidoo kale wuxuu uga mahad celiyey gabdhaha Soomaaliyeed sidda quruxda badan oo ay u soo xaadireen Nadawada.
Muxaadaradii koowaad ayaa waxaa soo jeediyey Sh. Axmed Maxamed Faarax (Dheeli) oo ku dheeraaday kaalinta haweenka khayrka umada faraa ku leeyihiin toosinta umada, wuxuuna gaar ahaan farta ku fiiqay dhinacyada dacwada, tacliinta iyo qoyska. Halka uu hoosta ka xariiqay inay jiraan dhinacyo badan oo raba inay baadiyeeyaan gabadhaha muslimiinta, sidda awgeed loo baahan yahay haween u istaaga ka hortaga qolyahaas gaar ahaan gabdhaha wax bartay.
Muxaadaradii labaad waxaa qaatay Sh.Bashiir Axmed Salaad gudoomiyaha hay,ada culumada Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho oo soo jeediyey talooyin wax ku ool ah oo mawduuca la xiriira , asagoo nadwada uga qayb galay khadka taleefoonka.
no images were found
Waxay nadwadu kusoo gabagabowday muxaadaradii sadexaad oo uu soo jeediyey Sheekh. Mukhtaar Macalin Cilmi oo si qoto dheer u faahfaahiyey ahmiyada mawduucaan. Ugu danbayn haweenkii soomaaliyeed oo ka qayb galay Nadwada ayaa muuji yey siday ugu qanceen Nadwada, ayagoo ururka ka codsay in loo badiyo kulamada noocaan oo kale ah.
Halgan.net
Khartum,Sudan