Raaf xooggan oo ka socda Xaafada Islii oo ay degan yihiin jaaliyada Soomaaliyeed

April 27, 2014 - Written by Editor

raafNairobi:-Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya, oo aad u tira badan ayaa shalay ilaa maanta howlgallo aad u baaxad weyn ka wada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaasoo dad badan lagu qabqabtay.

Howlgallada, ayaa meel walba ka socda. Ciidanku waxay galayaan guryaha, suuqyada iyo dariiqyada oo ay ciddii ay ka helaan ka qabqabanayaan, waxaana howlgalladaani ay saameyn balaaran ku yeesheen dhammaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo kii isu socodka ee xaafadda Islii.

Saaka markii waagu baryay ayey soo galeen qaar ka mid ah guryaha xaafadda Islii, waxaana ka mid ah meelaha ay aadka u galeen waddada 8ka, halkaasoo hal guri oo ku yaalla ay ka qabqabteen dad badan oo ay gawaari waaweyn ka buuxsadeen.

Xaafado badan ayaa qeylo dhaantu ka imaaneysaa, iyadoo dadka aan guryaha loogu taginna ay naxdin la darseen, maadaama ay isweydiinayaan xilliga loo imaanayo.

Masaajidda ayaa saameynta howlgallada laga dareemayaa, iyadoo salaadaha subaxa iyo cishaha ay aad u yaraadeen dadka soo aadaya.

Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya, ayaa ku adkeysanaya in howlgalladu sii soconayaan inta laga xaqiijinayo ammaanka, waa sida ay warka u yiraahdeene.

Holwgalladan, ayaa waxaa lagu qabqabtay boqolaal qof oo Soomaali ah, iyadoo xitaa qunsulka Soomaaliya u jooga Kenya la qabtay, walow markii dambe la sii daayay.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online