Ra’iisul wasaaraha DFS Dr.C/weli Sh.Axmed oo tegay Jowhar iyo Buulo-burte

April 10, 2014 - Written by Editor

drcabdiweliJowhar:-Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr.C/weli Sheekh.Axmed ayaa maanta waxaa uu booqasho ku gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyey.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr.C/weli Sheekh.Axmed ayaa waxaa safar kiisa ku weheliya Xildhibaano, Saraakiil iyo xubno ka tirsan golahiisa wasiirada waxaan booqashadooda ay salka ku haysaa in ay soo kormeeraan xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidanka dowladda Federaalka soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr.C/weli Sh.Axmed  ayaa intuu uu ku sugnaa degmada Jowhar waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay waxgaradka ,Saraakiisha ciidanka iyo maamulka demada Jowhar iyagoo uga warbixiyey xaalada  magaalada Jowhar.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr.C/weli Sheekh.Axmed ayaa intuu uusan imaan degmada Jowhar waxaa safar kaga soo kicitimay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo bishii hore ay ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda ay kala wareegeen ciidanka  Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr.C/weli Sh.Axmed ayaa booqashada uu ku tegay degmada Buulo-burte  waxaa ay noqonaysaa booqashadii ugu horeeyey oo uu Ra’iisul wasaare  C/weli Sh Axmed uu ku gaaro degmadaas ilaa intii ay gacanta ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ay gashay.

Ra’iisul wasaaraha  ayaa intii uu ku suganaa degmada Buulo-burte  ee gobolka Hiiraan waxaa uu kulamo gaar ah la yeeshay maamulka magaalada , Saraakiisha ciidanka AMISOM , kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo ka dhagaystay warbixino kale duwan.

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinka soo gudbin doonaa  insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online