Ra’iisul Wasaaraha DFS oo Muqdisho kula kulmay wakiilo ka socdey G7+

April 1, 2014 - Written by Editor

IMG_0910Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta la shiray xubnaha kooxda G7+ oo ah deeq bixiyeyaasha ugu muhiimsan ee bixiya dhaqaalaha ku baxa barnaamijka New Deal (Hiigsiga cusub), waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu warbixin dheer ka siiyay horumarada howlgalada ka soconaya gobolada dalka oo ee looga xoreynayo kooxaha nabadiidka ee Shabaab goobaha ay weli ku harsan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday in la baahiyo qorshaha New deal si deg deg ah mashaariicda horumarineed ee diyaarsan loo gaarsiiyo shacabka ku dhaqan gobolada laga saaray kooxaha nabadiidka, wuxuuna si gaar ah uga codsaday in mashaariic si deg deg ah looga fuliyo gaar ahaana dhanka biyaha iyo caafimaadka.

Kulankan ayaa la isla gartay in la mataaneeyo isla markaana la is waafajiyo qorshaha howlqabadka Xukuumada (Plan of action), ee mudada saddexda sano kaasoo xukuumadu u gudbisay golaha Baarlamaanka iyo qorshaha shirkii Brussels si loo dardargeliyo howlaha horumarineed ee la doonayo in la fuliyo sanadaha soo socda.
Xubnahan oo matalayay dalalka hormuudka u ah deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa waxay soo dhoweeyeen howlgalada socda iyo degaanada la xoreeyey waxayna balan qaadeen inay si deg deg ah ugu howlgalayaan sidii looga fulin lahaa degaanadaasi mashaariicda horumarineed ee diyaarka ah si loo gargaaro shacabka degaanadaasi oo in mudd ah ka go’doonsanaa caawimaada beesha caalamka.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gabagabada shirka kadib warbaahinta la hadlay ayaa xusay in la isla gartay sidii loo dardargelin lahaa qorshaha New deal, sidoo kalena la is waafajiyo qorshaha xukuumada iyo qorshaha new deal.

“Arrimaha kale ee aan ka wadahadalnay waxaa ka mid ahaa dhaqangelinta nidaamka Federaalka, hagaajinta hay’addaha maaliyadda ee dawladda” ayuu yiri ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Deni.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online