Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo safar ku tegi doona Beri magaalada Kismaayo
April 11, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ra’iisulwasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sh.Axmed ayaa maalinta beri waxaa uu safar ku tegi doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose oo maalmihii la soo dhaafay ay ka soco tay qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayna arrinkaas wadeen madaxda maamulka KMG ee Jubba.
Ra’iisulwasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sh.Axmed ayaa markii uu yimaado magaalada Kismaayo waxaa uu kulan gaar ah la yeelan doona Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe. Ra’iisulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sh. Axmed ayaa safarkiisa Kismaayo ka dib waxaa la sheegayaa in uu socdaal aan la shaacin inta casho uu qaadan doona uu ku tegi doonaa magaalada Garoowe isagoo kulamo la geli doona Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/ weli Maxamed Cali Gaas.
Ilaa hadda ma jiro warsaxaafadeed ka soo baxay xafiika Ra’iisulwasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sheekh.Axmed oo ku aadan safarka uu ku tegi doono maalinta beri ah magaalada Kismaayo iyo wax ka jira in uu safar ku gaari doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.
Wixii ka soo kordha safarka Ra’iisulwasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Dr.C/weli Sh.Axmed dib ayaan idinkaga soo gudbin donaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net