Sheekh Dr. Faysal Max,ed Cali oo siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.[Masawiro]

April 28, 2014 - Written by Editor

burcoBurco:-Waxaa maalintii sabtida ee taariikhdu ahayd 27-Jamm-1435 kuna beegnayd 27-April-2014 lagu soo dhaweeyay magaalada Burco Sheekh Dr. Faysal Max,ed Cali oo ka soo guuray dalka Sacuudiga (Madiina) oo uu daganaa muddo 13-sano ah, kadib markii uu soo dhamaystay jaamacadii Madiina, isaga oo soo qaatay shahaadada diktoora (Doctor)

Soo dhawayntaas oo aan loo kala hadhin waxaa ka qayb qaatay Culimada magaalada, Aqoonyahano, ducaad,iyo arday tiro badan. Xubnaha ka qayb qaatay soo dhawaynta sheekha ayaa tiradoodu ahaayeen afartan xubnood oo watay gaadiid tiro badan . sidoo kale waxaa iyana dadweynaha soo dhawaynaayay sheekha hogaaminaayay xunbanaha Gudiga fulinta ee gobalka togdheer ee Mu,asassada Al-karam. Sheekha ayaa lagaga hortay magaalada sheikh , dawga dhexdiisa oo 75km u jira magaalada Burco. Sheekha ayaa gacan qaaday dhamaan Akhyaartii soo dhaweysay una jeediyay kalmad mahad naq ah. Sheekha ayaa loo soo galbiyay dhinaca magaalaada Burco Ilaa inta laga keenaayay Gurigiisii.

no images were found

Dr.Faysal ayaa la filayaa in uu ka bilaabo Nashaadaad Dacwadeed oo balaadhan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer kadib marka uu nasto.

Waxaa ka mid ahaa culimada ka qayb qaadatay soo dhaweynta

1.Sh.Yuusuf Cabdi Cawed
2.Sh.C/qani Aw Saalax Cali
3.Sheekh .Jaamac Cismaan
4.Sheekh .Mustafe Aadam Max,ed
5.Sheekh.Yuusuf Jaamac Warsame
6.Dr.Xuseen Max,ed (Dr.Xusin Rikoodh)
7.Xildhibaan Baashe dhagadayl
8.Saleebaan Diiriye
9.Sheekh.Muuse Sahal
10. Ducaad & Arday aad u tiro badan

Masawirada Dhawaan ayaan idiin soo gudbin doonaa inshalaaah

Mu,asassada Al-karam
Burco
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online