Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu soo laabtay jigjiga (Masawiro)

April 28, 2014 - Written by Editor

7Jigjiga:-Sheekh Maxamed Cabadi Umal oo deegaanka soomaalida itoobiya soo gaa dhay 16/3/014 ayaa jigjiga ka baxay 28/3/014 kadib markuu 11 muxaadaro oo isdaba joo ah ka jeediyay magaalada jigjiga ee xarunta dawladda deegaanka soomaalida ee itoobiya.

Sheeka ayaa u jahaystay sidii uu usoo mari lahaa gobalada deegaanka intooda kale, isaga oo ka bilaabay magaalada dhagaxbuur ee caasimadda gobalka jarareed ka dibna waxaa uu safarkiisa dacwada sheeku ku tagay magaalooyinka kala ah Qabridahar, Wardheer, Goday, Jarati iyo in ka badan 20 magaalo oo kala hoostaga gobaladaas isaga oo sheekhu muxaadaraad iyo wacyi galin balaadhan kasameeyay magaalooyinkaaas uu tagay.

Sheekha ayaa waxaa ku weheliyay safarkaas :madaxa dacwada hay,adda Al-sunna Sheekh Yuusuf Axmed Carab & Sheekh Ibraahim barkhadle cawi , Madaxa masaajidda golaha arimaha islaamka dawladda deegaanka soomaalida Sheikh Mahad C/laahi Kaahin iyo xubno katirsan xafiiska iclaamka hay,adda Alsunna.

Sheikh Maxamed Cabdi umal ayaa safarka dacwadeed ee aadka udheeraa ka dib dib ugu soolaabtay maanta galabtii caasimada jigjiga .

no images were found

Sheekha ayaa waxaa soodhaweeyay xubno uu horkacayo gudoomiyaha golaha fulinta, hay,adda al-sunna Sheekh Maxamed Xasan (Burcaawi ) ku xigeenka hay adda Sheekh C/shakuur c/laahi iyo xubna kale iyaga oo kaga hortay duulada xoodhleey oo dawr kiiloo mitir ujirta magaalada jigjiga.kadibna waxay sheekha iyo wafdigii lasocday usoo gudbeen xarunta deegaanka ee jigjiga.

F,G : Xafiiska iclaamka hay adda Al-sunna waxuu ugu bishaaraynayaa akhristayaasha sharaftaleh in uu idiin soo gudbin doono dhamaan waxii war kusaabsan safarkii dacwada ee sheekha magaala kasta iyo tuulaba.

Musasat Al-sunna
Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online