Sheekh Maxamed Umal oo lagu soo dhaweeyey Marqaan Weyne [Masawiro]
April 14, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Sh. Maxamed Cabdi Umal iyo wafdi culimo ah ayaa socdaal dacwadeed waxaa ay ku soo gaareen Machadka Imaamu shaafic faraciisa Tuulada Marqaan ee ku taal xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Wafdiga culimada ee la socoda Sh.Umal ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey dhamaan degaanada ay soo mareen iyo weliba tuulada Marqaan waxaan soo dhaweynta qayb ka ahaa culimada Gobolka Sool iyo Cayn oo uu hogaaminayey Sh.C/naasir Xaaji Axmed.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo mudo bil ku dhow muxaadaraad iyo wacyi gelin ka waday gudaha degaanada Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa uu u soo talaabay dhinac tuulada Marqaan ee ku taal xadka waxaan uu sheekhu ka jeediyey Machadka Imaamu shaafic muxaadaro si weyn ay uga soo qayb galeen bulshada ku dhaqan tuulada Marqaan iyo deegaanada ku dhow dhow.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka mid yahay culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya ugu caansan waxaan uu Shiikh uu hadda ku nool yahay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo halkaas ka wada dacwo aad u balaadhan.
no images were found
Safarka Sh.Maxamed Cabdi Umal uu ku tegay Tuulada Marqaan ayaa waxaa ay qayb ka tahay wacyi gelinta iyo muxaadaraadka uu Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ka waday degaanada Soomaalida degto ee Soomaali galbeed dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu wixii cusub oo ku saabsan .
Hoos ka Daawo Soo Dhaweynta Sheekh Maxamed Cabdi Umal Marqaan Weyne
M_M_Deeq
Halgan.net