Sh.Yaxye Cismaan Suufi oo Darajada Majasteerka ka qaatay jaamacada Madiina (Masawiro)
April 8, 2014 - Written by EditorMadiina:-Sh.Yaxye Cismaan Suufi oo ka mid ahaa ardayda Jaamaca Islaamiya ee Madiina Munawara ayaa waxaa uu darajada ugu sareysa ka qaatay Jaamacada Islaamiga ee Madiina darajada Mastareydka waxaana ay ahayd risaaladiisa uu ku qaatay Majesteerka cinwaankeeda (لقواعد والضوابط الأصولية المؤثرة في فقه الأقليات المسلمة جمعاً ودراسة.) waxaana munaaqashada soo xaadiray arday iyo macalimiin aad u badan
Risaalada Sheekh Yaxye Cismaan Suufi (لقواعد والضوابط الأصولية المؤثرة في فقه الأقليات المسلمة جمعاً ودراسة.) ayaa waxaa ka mid ahaa lajnada Niqaashka
1- الشيخ. الأستاذ الدكتور: محمد سعد بن أحمد اليوبي
2-الأستاذ الدكتور: عبد الحليم بن عبد الفتاح عمر.
3-الشيخ الدكتور: عبد الرحمن بن علي الحطاب.
Dhamaan culumada niqaashka la sameysa Sheekh Yaxye Cismaan Suufi ayaa aad u amaanay Risaalada uu ku qaatay Sheekh Yaxye Cismaan Suufi darajada Majisteeka waxaana alle uga baryeynaa in uu khayrka waafajiyo aduun iyo aakhiro kana dhigo mid cilmigiisa ay umada ka faa,ideysato.
Maamulka Shabakada Halgan.net iyo dhamaan wariyaasha Mareegta ayaa si gaar ah waxay tahniyad ugu dirayaan Sheekh Yaxye Cismaan Suufi waxaana leenahay alaha kugu garab galo barashada cilmiga iyo Faafintiisa.
no images were found
Risaalada Sheekh Yaxye Cismaan Suufi ayaa waxay aad u quseysaa Muslimiinta ku dhaqan wadamada qurbaha waxaana isku dayi doonaa in Sheekh aan ka helno Risaalada si looga wada faa,ideysto inshalaah
Maamulka Halgan.net