Sheikh Umal iyo Sheekh Ibrahim dheere oo booqdey xarunta Mu,asada Al-sunnah (Masawiro)
April 30, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Kadib markuu soo gabagabeeyey socdaalkii dheeraa ee dacwada sheikh Maxamed Cabdi Umal wuxuu maanta booqasho ku yimid xarunta mu,sasada sunnah ee tacliinta iyo dacwada waxaana halkaa ku so dhaweeyey dhaman golaha tanfiidka ee mu,asasada sunnah ee tacliinta iyo dacwada uguna horeeyo gudomiyaha mu,asasada Sh Maxamed Xassan Burcaawi iyo gudomiyaha boodhka mu,asasada Sh Ahmed geedi .
Xarunta Weyn ee Musasat Al-suna ayaa waxay ku taal deegaanka somalida ethiopia ee jigjiga waxaa sido kale mu,asasadu soo dhawaysey Sh ibraahim Maxaed Xusen (Sheekh Ibraahim Dheere ) oo ka yimid wadanka Malaysia.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu ka warbixiyey safarkii dheera ee uu ku maray dhamaan gobolada uu ka kooban yahay deegaanka somalida ethiopa.
Sheekhu wuxuu aaad ugu nuux nuuxsadey in ay jirto baahi wayn oo loo qabo dacwada isagoo shegey in meelo badan oo ay soo mareen aysan kaba jirin dacwo saa u sii wayn wallow ay jiraan meelo sida gobolka Goday dacwadu ay si aad ah uga taaba gashey.
Sheekhu wuxuu xusey in ay lagama marmaatahay in laga qaybqaato fidinta dacwada iyo in la hello culumo utafaruqda gobolada si dacwadu ay sifiican ugu taaba qaado.
Shekha boqashadiisan waxaa ku weheliyey sido kale Sheekh Cabdulahi Cumar Nuur Barakalah oo ka yimid gobola shabelle iyo gudomiyaha maxkamada sare ee shareecada islamka Sheekh Muxumed Yusuf ismail iyo culuma kaloo farabadan. no images were found
Waxaa la isla gartay sidii loo dhaqaajin lahaa dacwada ka socota deeganka somalida Ethiopia dadkana looga saari lahaa jahliga diinta loona heli laha culumo waawayn oo ka hawlgasha dhaman deegaanka.
Xafiiska iclaamka mu,asasada Al-Suna
Halgan.net