Shirkii Looga hadlayo Amaanka Dalalka Africa Oo ka Furmay Magaalada Bahar-Dar (Masawiro)

April 26, 2014 - Written by Editor

IMG_1840Bahar-Dar:-Magaalada Bahar-Dar ee dalka Ethiopia waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii looga hadlaayey arrimaha amaanka ee dalalka Africa, shirkaasi oo ay ka qayb galayaan madaxda ugu saraysa dalalka Africa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa ka mid ah madaxda Africa ee shirkaasi ka qayb gashay, wuxuuna Madaxweyne Gaas maalinta berri ah uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad tariikhi ah oo salka ku haysa amaanka dalalka Africa iyo qaabka loo tayan karo.

Shirkaas waxaa sidoo kale ka qayb galaya Madaxweynayaasha Dalalka Sudan,Uganda, Kenya iyo dalal kale oo fara badan, kuwaas ka dhiibandoona afkaarta ay ka qabaan qaabka loo miisaami karo wax ka qabashada ammaanka dalalka Africa.

no images were found

Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah kuwaas oo la doonayo in lagu xoojiyo  amaanka dalalka Africa, wuxuuna soo dhamaan doonaa maalinta berri ah iyadoo ay harsan yihiin khudbado kale oo dheeraad ah oo ay soo jeedin doonaan maaxda shirkaasi ka qayb galaysa oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabd-weli Max’ed Cali Gaas.

Xafiiska Warfafinta, Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online