Shirkii Madaxda Afrika uga socda Bahir Dar oo la soo afmeeray (Masawiro)
April 27, 2014 - Written by EditorNairobi:-Waxaa goor dhawayd soo xirmay Shirkii Madaxda Dalalka Afrikaee ka socday magaalada Bahir dar ee Dalkaasi Ethiopia , shirkaasi oo looga hadlayey dhawr qodod oo la xiriira amuuraha Amniga Qaradda Afrika, Shirkan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday dalka Ethiopia ayaa jewi wanaagsan ku dhamaaday iyadoo ay ka jeediyeen Khudbado madaxdii Qaarada Afrika ee ka soo qaybgashay shirkaasi.
Madaxweynaha Dowlada Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ oo ku hadlay Bariga iyo Geeska Afrika,khaas ahaan Soomaaliya,isagoo jeediyay Khudbad Taariikhi ah.
Dhanka kale Wafdiga Dowlada Puntland ayaa u ambabaxay Adis Ababa ka dib markii shirka laso afmeeray,iyagoona isla caawo u hoyan doona Caasimada dalka Ethiopia ee Adis Ababa.
no images were found
Xafiiska Wararka,Wacyi-gelinta,Hidaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland