Siminaar loo qabtay Macaahidda sharciga ah ee raacsan Machadka Al-furqaan[Masawiro]
April 4, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Gelinkii hore ee maalinnimadii khamiista ayaa waxaa xarunta machadka Al-sunna ee Buuhoodle ka bilowday tababar loo qabtay macalimiinta macaahidda sharciga ah ee raacsan Machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle. Siminaarkan ayaan waxaa soo qabanqaabiyey gudiga horumarinta macaahda sharciga ah ee raacsan machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle.
Macalimiinta ka faaiidaysatey siminaarkan tababarka ah ayaa ka kala socdey lix machad oo kuyaalla gudaha magaalada Buuhoodle kuwaas oo kala ah:
1. Machadka hoose/dhexe ee ummu salama
2. Machadka hoose/dhexe ee al-nuur.
3. Machadka hoose/dhexe ee al-furqaan gelin danbe.
4. Machadka hoose/dhexe ee abuubakar sidiiq gelin danbe.
5. Machadka hoose/dhexe ee alfaaruq.
6. Machadka hoose/dhexe ee khadiija binti khuwaylid.
Macaahiddan ayaa dhamaantood ka qaata shahaadada dugsiga dhexe machadka sare ee Al.furqaan Buuhoodle ee raacsan jaamacadda bariga afrika. Dhanka kale waxaa iyana ka faaiidaystay siminaarkan xubno laga casuumay gabdhaha waxka barta jaamacadda barigaa afrika faraceeda buuhoodle, iyo xubno kale oo laga casumay wiilasha ka qalinjebinaya sanadkan machadka sare ee alfurqaan.
Casharada ka baxay siminaarkan ayaa ku wareegayey mawducyo muhim u ah macalimiinta sida:-
1. Hababka wax baridda.
2. Tilmaamaha macalinka wanaagsan.
3. Habka jeedinta (casharada, khudbadaha, hordhacyada, iyo muxaadarooyinka)
4. Maamulidda fasalka.
Casharadan ayaa waxaa jeedinayey aqoonyahanno ka kala socda jaamacadda bariga afrika farca buhoodle, machadka sare ee alfurqaan buuhoodle, iyo dugsiga sare ee hawd. Siminaarkan oo soo gaba gaboobey gabal dhicii Khamiista 03/04/ 2014 ayaa habeennimadii jimcaha xafalad soo gunaanad ah loogu qabtay hall kii uu ka socdey.
Xafladdan ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulaha jaamacadda bariga afrika faraca buhoodle, Sheekh cabdishaafi axmed cali, gudoomiyaha shirkadda telesom caaqil cabdisamad cali xasan, maamulaha hawd secendry Sh.Mukhtaar axmed x/faarax, madaxa xafiiska dacwada gobolka cayn,sheekh mubaarig sh/xuseen sugulle, cuqaal, waalidiin, haween iyo aqoonyahan kala duwan.
Ugu sheekh cabdiraxmaan axmed garaad soofe oo ah madaxa gudiga horumarinta macaahidda sharciga ah ee raacsan machadka sare ee alfurqaan ayaa ka warbixiyey siminaarka iyo sidii ay uqabteen una qaban qaabiyeen, kadibna labo kamid ah ka faaiidaystayaashii siminaarka ayaa halkaasi kahadlay kuwaas oo kala ahaa Cumar maxamuud maxamed rasaas iyo samsam maxamud buraale.
no images were found
Masuuliyiintii xafaladaasi kahadlay ayaa dhamaantood bogaadiyey waxqabadka gudiga horumarinta macaahidda kuna dhiirigeliyey soo celcelinta tababarada noocan oo kale ah, iyada oo uu xafladaan soo gabagabeeyey maamulaha jaamacadda bariga afrika faraca buuhoodle. Maaha markii u horayse ee macaahidaasi loo qabto siminaar noocan oo kale ah.
Halgan.net