Socdaalkii Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu ku tagay Jowhar iyo BuuloBurde (Masawiro)

April 10, 2014 - Written by Editor

IMG_7144Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, Safiirka Djabouti u fadhiya dalka Soomaaliya, iyo Sarakiil ka tirsan Ciidanka ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalooyinka Jowhar iyo BuuloBurde.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ku bilaabay Degamada Buulo Burde oo ka mid ah degmooyinkii dhawaan ciidanka Dowlada iyo kuwo AMISOM ay ka xoreeyeen kooxaha nabad diidka ah.

Ugu horayn Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM sida geesiniamda leh oo ay uga xoreeyeeen kooxaha nabad diidka ah,  isagoona ka tacsiyeeyey ciidamadii iyo shacabkii ku dhintay qaraxii ka dhacay hotel ku yaal degmada Buulo Burde.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay saaka in ay Buulo Burde  nasiib u yeelatay in safarkii koowaad oo dalka gudihiisa meel ka baxsan Muqdisho aan ku tago inaan ku imaado Degmada Buulo Burde. Waxaan halkaan mar labaad tacsi uga dirayaa qooysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii iyo ciidamadii ku dhintay qaraxii ismiidamnita ahaa ee lala beegsaday Hoteel ay daganaayeen,”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kalana xusay in Buulo Burde ay ahmiyad siyaasadeed iyo mid dhaqaale u leedahay dowladda Soomaaliya, in maanta ay noqoto meel xorr ahna ay macno weyn ugu fadhido bulsha weynta Soomaaliyeed

no images were found

“Kooxaha Nabad diidka ah waa qaran dumis, waxayna habaabiyeen dhalin yaradii Soomaaliyeed, waxaana shacabka Buulo Burde uga fadhinaa in ay hormuud u noqdaan sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa meelaha ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka. Maanta wixii ka danbeeyana  Buulo Burde waxay heli doontaa adeegyada dowlada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

Dhanka kale Odayaasha Dhaqanka ee Buulo Burde  ayaa sheegay in ay ku jireen lixdii sano ee la soo dhaafay cadaadis, jirdil, caburin iyo dilal, wixii ka danbeeyey 12 bishii horana ay dareemeen in ay heleen xorriyad, Sidoo kale Odoyaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday dowladda in ay u soo celiso adeegyadii asaasiga u ahaa nolosha bani’aadamka, sida waxbarashada, caafimaadka, iyo  in loo sameeyo ciidan Boolis iyo Nabadsugid ah si amaanka wax weyn looga qabto. Waxaana isla goobta ka hadlay Wasiirka Amniga Qaranka mudne Cabdikariin Xusein Guuled oo sheegay in si deg deg ah dib loogu howl galin  doono saldhigyadii ciidanka Booliska iyo Nabadsugida.

Sodoo kale Ra’iisuL Wasarha ayaa maanta duhurkii booqasho ku yimid magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe halkaas oo si weyn ugu soo dhaweeyeen bulshada qaybaheeda kala duwan oo uu hor kacayo maamulka gobolku.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka, Haweenka, Maamulka Gobolka iyo Dhalinyarada, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in xukuumadiisu dadaal dheeri ah ku bixin doonto sidii shacabka ku dhaqan Degmada Jowhar u heli lahaayeen wixii dowlada uga maqan.

“Xukuumadu waa idinla joogtay, waxaa maanta idinku cusub waa  imaatinkayga, waxaana marar badan isaga soo daba noqoday gobolka Wasiiro ka tirsan Xukuumadayda, oo ugu horeeyo Wasiirka Beeraha oo ku howlanaa sidii dayactir loogu samayn lahaa Kanaalada waraabiya Beeraha, taas oo runtii ah talaabo wanaagsan oo ka turjumaysa himilooyinka Xukuumadda, waana wax lagu farxo ah in 23 sano kadib ay dowladu isu xilqaanto wax ka qabashada Kanaaladaas” ayuu yiri RW Cabdiweli oo dhanka kalana sheegay in Gobolka Shabellada dhaxe uu ka mid yahay halboolayasha dhaqaalaha dalka, laga maarmaana ay tahay in dowladdu ay ku dadaali doonto sidii dib u dhis loogu samayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Xamar, iyo In la mooso meelaha ay biyuhu ka fatahaan xiliyada roobka.

“Xubin kasta oo Golaha Xukuumada ka tirsan waxaa uu imaan doonaa Jowhar, waana waajib qaran inuu qabto qaybta uga aadan horumarinta adeega bulshada, waana lagula xisaabtami Wasiirada sida ay ugu shaqeeyaan shacabka, Xukumadaydu ma noqonayso mid aan Muqdisho soo dhaafin, gobolka kasta waxa laga gaarsiin adeegyada asaasiga ah u bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli

no images were found

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay dadka Reer Jowhar in safarkaani ahayn kii koowaad, islamarkaan uu ugu imaan doono  safaro kale, si markasta shacabka ula qaybsado kalana tashado sida ugu haboon ee loo hormarin karo dowladanimada.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director Office of the PM

Mogdisho-Somalia

Media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online