Soomaali badan oo laga soo musaafiriyey dalka Kenya oo laga soo dajiyey garoonka Aden Cadde
April 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee magaaaada Muqdisho soo caga digatay diyaarad sida boqol qof oo soomali ah lagana soo musaafiriyey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Soomaalida laga soo musaafiriyey dalka Kenya ayaa waxaa lagu qabqabtay howlgalo ay ciidanka amaanka ee dalka Kenya ay ka sameeyeen xaafada Islii waxaana ilaa haatan boqolaal soomaali ah ay ku jiraan garoonka Kasaraani.
Dowlada Kenya ayaa si cad u sheegtay in Soomaalida aan lahayn waraaqaha aqoonsiga ee lagu joogo dalka Kenya ay dib ugu celin doonto dalka Soomaaliya.
Ciidanka amaanka ee dalka Kenya ayaa wili wada howlgalada ka dhanka ah Soomaalida waxaana loo geystay Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii tacadiyo kala duwan sida dhac baahsan,dil ,iyo xarig aan lagu kala soocin.
A/Cawale
Halgan.net