Taliyihii hore ee booliska gobolka Bari Col.(Af-dalow) oo xilka laga qaaday

April 3, 2014 - Written by Editor

1Boosaaso:-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo xilka uu kula wareegayey taliyaha cusub ee Booliska gobalka bari ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana xilka booliska gobolka Bari si rasmi ah ula wareegay Col.C/raxmaan Muslim waxaana xilka wareejiyey taliyihii hore ee booliska gobolka Bari Col.Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) .

Xaflada xil wareejinta ayaa waxay ka dhacday xarunta taliska booliska gobolka Bari waxaana ka soo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ee Puntlland ,Ugu horeyn ayaa waxaa munaasabada xilwareejinta ka hadlay Col.Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) taliyihii hore ee booliska gobolka Bari wuxuuna soo dhaweeyey xilka laga qaaday isaga oo sheegay in uu isagu codsaday madaama uu in mudo ah ka shaqeynayey gobalka Bari..

Col.Cismaan Xasan Cawke (Af-dalow) taliyihii hore ee booliska gobolka Bari ayaa si adag u beeniyey warar lagu faafiyey Mareegaha Soomaalida kuwaas oo sheegayey in xilka laga qaaday ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu qeyb ka ahaa dilka taliyihii hore ee ciidamada Daraawiishta ee aagga Galgala Col. Jaamac Af-guduud.

Waxaa sidoo kale Munaasabada xil wareejinta ka hadlay taliyaha cusub ee booliska gobolka Bari, Col.C/raxmaan Muslim, wuxuuna mahad balaaran u jeediyey taliyihii hore ee booliska gobolka Bari oo shaqo badan soo qabtay wuxuuna ka codsaday laamaha amaanka iyo Dadweynaha ku dhaqan gobalka Bari in ay la shaqeeyaan.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wada isku shaandhay lagu sameynayo saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland si loo sugo amaan Puntland waxaan Madaxweynaha uu socdaal dhawaan ku tagi doonaa gobalka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online