Wasiirada Arrimaha Dibadda DFS oo socdaal shaqo ugu ambabaxay dalka Tunisia.

April 25, 2014 - Written by Editor

DSC05572Muqdisho:-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta u ambabaxay caasimadda Tunis ee wadanka Tunisia kadib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen isaga iyo wafdigiisa bankiga horumarinta Afrika iyo dowladda Tunisia .

Wafdiga oo uu ku jiro Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane iyo xubno kale ayaa waxaa lagu wadaa mudada ay joogaan wadanka Tunisia inay la kulmaan H.E. Donald Kaberuka oo ah Madaxweynaha Bankiga horumarinta Afrika, qaar ka mid ah madaxda waaxyaha kala duwan ee bankiga,Wasiirka Arrimaha Dibadda Tunisia H.E. Mongi Hamdi ,Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda H.E. Hakim Ben Hammouda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo shir jaraa’id maanta ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho kahor inta aanu ka ambabixin isaga iyo wafdigiisa , ayaa waxa uu sheegay in madaxda bankiga horumarinta Afrika ay kala  hadli doonaan fududeynta deeqaha maaliyadeed ee ay ugu talagaleen wadanka Soomaaliya ,iyadoo qaar ka mid ah Wasiirada dowladda Tunisia ay u bandhigi doonaan hindise cusub oo horumarinaya xiriirka labada dal , kana qeyb qaadanaya kobaca dhaqaale iyo maalgashi .

Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxa uu xusay in socdaalkooda wadanka Tunisia kadib ay u gudbi doonaan wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta oo ay kaga qeybgali doonaan  shir ku saabsan maalgashiga.

no images were found

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa waxa uu carabaabay in ay la kulmi doonaan Wasiirka Arrimaha Dibadda  Imaaraadka H.H. Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan iyo Wasiiro kale, ayna kala hadli doonaan fulinta mashaariic horumarin oo dib u dhiska iyo maalgashiga dalka ku qotoma , waxaana uu yiri “ waxaan rajeynayaa in booqashooyinkeena shaqo ay ku dhammaadaan guul iyo is afgarad”.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online