Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Imaaraad-ka(Masawiro)

April 12, 2014 - Written by Editor

3Muqdisho:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Danjiraha dowladda Iskutagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Mohamed Ahmed Osman Ahmed Alhammadi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo balaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Imaaraad-ka .

Dr. Abdirahman Beileh ayaa waxa uu amaan iyo bogaadin u jeediyay dadaalada dowladda Imaaraadka Carabta ay ku taageereyso dowladda, gobolada kala duwan ee dalka iyo shacabka Soomaaliyeed , taasoo qeyb ka ah  sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ,iskaashiga wadaagga  ah iyo wax wada qabsiga labada shacab .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa ka hadlay isbadalada ammaan ee dalka uu hiigsanayo iyo taaba-gelinta mashaariic horumarin , isagoo ka codsaday dowladdaIskutagga Imaaraadka Carabta inay si xoogan uga qeyb qaadato dib u dhiska dalka iyo horumarinta hey’adaha dowladda .

Kulankani oo ku soo idlaaday jawi is faham leh , ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud hab maamuuska qaranka Adv. Hersi Haji Olosow iyo agaasimaha waaxda Carabta Yusuf Ali Mohamed .

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online