Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DFS oo lagu soo dhaweeyey dalka Tunis (Masawiro)

April 27, 2014 - Written by Editor

IMG_4533Tunis:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda H.E. Hussein Abdi Halane ayaa waxaa ku soo dhoweeyay maanta garoonka diyaaradaha Magaalda Tunis ee caasimadda wadanka Tunisia Wasiirka Arrimaha Dibadda wadankaasi  H.E. Mongi Hamdi  iyo mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Horumarinta Afrika .

Kulankani oo horudhac u ah kulamo balaaran oo wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kala yeelan doonaan mas’uuliyiinta Bankiga Horumarinta Afrika iyo Wasiiro ka tirsan dowladda Tunisia ayaa waxaa muhiimadiisu ay tahay sidii dowladdu ay u heli laheyd deeqaha maaliyadeed ee Bankiga ugu tala-galay Soomaaliya iyo abuuridda fursado maalgeshi oo shirkadaha wadanka Tunisia ay ka sameeyaan dalka Soomaaliya .

Waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah uu kulan dhexmaro Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika H.E. Donald Kaberuka , iyadoo kulankaasi lagu falan-qeyn doono baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto helidda balan-qaadyada maaliyadeed iyo mashaariic ee ku qotama horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya .

no images were found

Waxaa la rajeynayaa in kulamada Wafdiga Wasiirada ah ee  dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula yeelanayaan wasiiro ka tirsan dowladda Tunisia iyo Madaxda Bankiga  horumarinta Afrika ay ku dhammaadaan natiijo waxgal ah , kadibna ay uga safraan dhanka Wadanka Iskutagga Imaaraadka Carabta .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda arimaha dibada

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online