Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland oo gaaray magaalada Gaalkacyo
April 5, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Wafdi hordhac ah oo ka tirsan Golaha wasiirada ee Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland Xassan Cismaan Aloore waxaana socdaalkiisa waxaa ku weheliya Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi Cabdule ‘’Indha-guran’’,Wasiirka Howlaha guud C/rashiid Maxamed Xirsi,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Yuusuf Cabdi Giir iyo saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Puntland.
Socdaalka Wasiiradan ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu sheegay in ay hordhac u yihiin wafdi uu hogaaaminayo Madaxweynaha Puntland oo gaari doona maalmaha soo socda magaalada Gaalkacyo.
Madaxweynaha Puntland ayaa socdaal kormeer ah oo kala duwan waxaa uu ku soo maray gobolada Karkaar iyo Bari waxaana uu balan qaaday in dowladiisa ay la imaan doonto waxqabad muuqda.
M_M Deeq
Halgan.net