Xaafadda Islii ee ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u muuqata xiryo ciidan (Daawo)

April 4, 2014 - Written by Editor

kenya-bolis11Nairobi:-Ciidamo aad u badan oo kala duwan ayaa maalin iyo habeen lagu arkayaa xaafadda Islii, waxayna ciidanku qabqabanayaan dadka, meel ay ku cafinayaanna majirto. Dariiqyada ayay gawaari soo dhigteen, iyadoo dadka si khasab ah ku saaraya, waxaana sidoo kale ay galayaan guryaha iyo hotellada qaarkood, iyagoo marar badan aan kala sooceyn dadka wixii ka soo horbaxa.

Marka makhribkii la gaaro ayaa dadku faaruq ka dhigayaan xaafadda, iyagoo guryahooda ku xarooda, waaba haddii aan guriga loogu imaanin, waxaana arrintan ay saameyn balaaran ku yeelatay ganacsigii xaafadda ka socday qeybihiisa kala duwan, waxaana ka mid ah meelaha ay aadka u saameysay:-

Makhaayadaha wax laga cuno

Meelaha shaaha lagu cabo ee lagu caweeyo

Goobaha internetka

Dukaamada yaryar

Farmashiyaasha

Supermarketyada

Sidoo kale masaajidda ayay arrimahani aad u saameeyeen, iyadoo salaadaha cisha iyo subaxa ay aad u yaraadeen dadka soo aadaya.

Ciidamada howlgallada fulinaya ayaa hadafkooda ugu weyn waxa uu yahay lacago sharci darra ah oo ay dadka ka qaataan, waxaana ay u dhaqmayaan si aad uga fog dhaqanka dowladnimo ee dal xor ah lagu yaqaano.

Ugu dambeyntii waxa soconaya dadaal ay wadaan madaxda Soomaalida ee golayaasha dowladda ku jira iyo guddiga ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo maanta lagu wado iney la shiraan mas’uuliyiinta ammaanka ee dalka Kenya ugu sarreysa.

Hoos Ka Daawo Cabashada Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Islii ee Nairobi

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online