Xaflad lagu taageerayo Joojinta Qaadka oo lagu qabtay magaalada Leicester.[Masawiro]

April 25, 2014 - Written by Editor

xafladda taageerada qaadka 3Leicester:-Kulan aad iyo aad u ballaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageerayey joojinta qaadka ayaa maanta oo Khamiis aheyd 24.04.2014 lagu qabtay magaalada Leicester. Kulankaas waxaa si wadajir ah u soo wada qaban qaabiyey dhammaan jaaliyadda reer Leicester oo aan kala harin iyagoo kulanka ku casumay halyeeyga Aalaaba u ololeeya joojinta qaadka Abuukar Cawaale.

Ugu horeyn kulankaas waxaa lagu furay kalimado wacdi iyo Allaah ka cabsi ah oo uu soo jeediyey Shiikh Ismaaciil oo ka mid ah culimada magaalada Leicester. Waxaa isaguna kalimad ku saabsaneyd hab maamuuska iyo habsami u socodka barnaamijka ka soo jeediyey Cabdixakiim Jaamac Jooje oo isagu ahaa isku duwaha goobta uu shirku ka dhacayey waxaa sidoo kale kulanka xiriiriye ka ahaa Cabdishakuur Tarax.

Kalimadi furiitaanka waxaa qaatay isagoo ku hadlayey magaca gudiigii qaban qaabada Dr Cabdirishiid Takar kana hadlay u jeedda kulankan iyo kaalinta ay magaaladu ka qaadaneyso taageerada joojinta Qaadka. Waxaa goob joog ka ahaa shirka oo kalimado kas oo jeediyey mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha caafimaadka ee ingiriiska NHS iyo Booliska magaalada Leicester.

Ka dib waxa hadalkii la siiyey Abuukar Cawaale oo la wada sugayey runtii si tifatirana uga hadlay barnaamijka joojinta qaadka iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray. Run ahaantii Abuukar Cawaale wuxuu madasha kasoo jeediyey warbixin dhameystiran oo aad looga maqsuuday. Waxaa kaloo ay dadku weydiiyeen Abuukar su’aalo la xiriira qaabka uu ololihiisa u shaqeey iyadoo aad looga bogsaday.

Intaas ka dib waxaa hadalkii la siiyey Shiikh Cabdalla oo ka mid ah culimada magaalada isagoo halkaas ka soo jeediyay kalimad uu ku taageerayo barnaamijka. Isla markaasna waxaa uu Shiikh Cabdalle isagoo matalaya Jaaliyadda Soomaalida Leicester uu halkaas ku gudoonsiiyay Abuukar Cawaale Bilad sharaf ay soo diyaariyeen guddigii qaban qaabada barnaamijka iyagoo ku hadlaya magaca Jaaliyadda Leicester.

Waxaa kale oo kalimad bogaadin ah goobta kasoo jeediyey Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude oo ka mid ah odayasha dhaqanka ee ku nool magaalada Leicester. Ugu danbeyntii waxaa xafladda soo gunaanaday oo soo xiray Abdikeyf Bashiir Faarax oo isagu ahaa gudoomiyihii guddiga qabanqaabada xafladda.

Waxaa mahad gaar ah goobta looga soo jeediyey guddigii barnaamijkan isku soo dubariday iyo gabdhihii iyagu naga caawiyey qabsoomidda xafladda sida Dr Cabdirishaiid Takar,Siciid Warey, Cabdishakuur Tarax, Cabdiraxmaan Shiine, Maxamed Saalax, Nuuradiin Ciise, Shukri Siciid Daahir, Iimaan,Aamino Ibraahim, Maxamed Cartan oo isagu dhanka kaamerada naga caawiyey iyo Cabdixakiim Jaamac Jooje.

no images were found

Waxaa kale oo mahad gaar ah goobta looga soo jeediyey dhammaan masaajidyada Soomaalida ee magaalada Leicester sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomida iyo suurtogalnimada barnaamijka.Waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba aan u mahad celinaynaa Mudane Abuukar Cawaale iyo siddii uu nooga ajiibay in uu xafladana nagala qeyb qaato. Sidoo kale bahda Somali Channel iyo kaalinta ay xafladda ka qaadatay.

Wabilaahi Towfiiq
Guddigii qabanqaabada xafladda.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online