Xikmadii Sheekh Saalax W/Q Maxamed Aadan Abdile

April 2, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Kismaayo:-Waxay ahayd 2004tii magaaladana waa Kismaayo, Sh.Saalax oo ahaa nin daaci ah oo aad u xikmad badnaa waxaa uu ka imaan jiray Wala- wayn waxaana u degenaa Kismaayo qaraabo,  sheekha marka uu yimaado magaalada Kismaayo waxaa uu ka qayb qaadan jiray dacwada waliba si iskii ah oo juhdi badan uu ku bixin jiray, sheekha waxaa u ahayd caado in meelaha fadhi ku dirirka lagu haayo uu ku qabto Muxaadaro ama darsi Tafsiir ah, sheekha oo ahaa sheekh geesi ah oo aftahana ah islamarkaasna ahaa nin da, ahaan wayn ayaa waxay keeni jirtay in dadku si fiican u dhagaystaan.

Sidii caadada ahayd maalin maalmaha ka mid ah ayaa sheekha waxaa uu muxaadaro ku qab tay meel dad badan isugu yimaadeen oo uu dhowr beriba ku soo laablaabanaayay, sheekha waxaa ka xanaaqay dacwadiisa iyo sidda dadka uu diinta ugu sheegaayo wadaad suufi ah oo jeclaystay in uu sheekha darsiga ka banado, wadaadka suufiga waxaa uu isku dayay in uu sheekh Saalax ka joojiyo darsigii uu dhigaayay laakiin uma suurtagelin ka dib markii uu sheekh saalax uu dhag  jalaq u siin waayay.

Maalinkii danbe wadaadkii suufiga ahaa oo xaafada ay ahayd xaafad ay reerkiisa ku badan yihiin ayaa waxaa uu soo qaatay qori waxaana uu sheekh Saalax uu ku qasbay in darsigii uu joojiyo, Sh.Saalax oo geesinimo lagu yaqaanay ayaa arinkii diiday laakiin waxaa u cadaatay markii danbe sheekh Saalax in wadaadka suufiga uu sheekha dilaayo hadii uu darsiga sii wado, markaas ayaa sheekh saalax darsigii joojiyay kitaabkiina isku laabay, markaa ayaa wadaadkii tartiib iska fadhiistay oo waxa uu sheekhii ku yiri mar danbe xaafada ha noo keenin muxaadardaan iyo waxaan aad wadid.

Sheekh saalax waayahay ayuu yiri ka dib sheekh saalax waxa uu bilaabay in uu dadkii u sheekeeyo si caadi ah madaama kitaabkii laga joojiyay, markaasuu wadaadkii suufiga ahaa waxaa uu yiri waryaa meesha ka kac oo ha soo fadhiisan,markaasuu sheekh saalax waxaa uu yiri  ( aniga hadda meeshaan waan iska fadhi yaa darsigiina waan joojiyay oo anigoo nin reer hebel ah oo sheekeenaayo ayaan fadhiyaa, adiga waxaad diidaneed qur,aanka iyo sunada ee aniga ima diidaneen, ee anigoo reer hebel ah oo iska caadi ah in aan halkan soo fadhiisto oo aan iska sheekeeyo adiga ma diidanid waan joojiyay waxii aad diidaneed ee ahaa hadalkii allah iyo rasuulka scw )  markaasuu wadaadkii suufiga ahaa aad isula yaabay oo yiri sheekhoow aniga ma diidani hadalkii allah iyo xadiiska rasuulka ee iga raali ahoow oo dadkaaga wacdi arintaasna mar danbe uma noqonaayi, halkaasuu sheekh saalax shaqadisii daacinimo ku sii watay.

Qisadaan waxaan ka qaadanaynaa labo arimood:-

Waa mida hore,e waa xigmada Sh.Saalax iyo sida uu ugu tilmaamay wadaadka suufiga ah shaqada uu qabtay ee ahayd in uu hor istaago dad caamo ah oo fadhi ku dirir ku jiray in diinta loo sheego, mida labaad waa sida wadaadka suufiga ah ay qalbigiisu diinta uga buuxdo oo u fahmay khaladka wayn ee uu galay ee ah in ninkan uusan reer hebel ahaan iyo qof ahaan u haysan ee waxa uu diiday ay ahayd in diinta ilaahey in dadka loo dhigo taa oo uu ka laabtay wadaadkii suufiga ahaa.

W/Q  Maxamed Aadan Abdile
Halgan.net,

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online