Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir oo qarax lagu dilay
April 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir lagu dilay miino loogu xiray gaarigiisa waxaana dhaawac uu soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa oo la socotay gaarigiisa
Qaraxa lagu dilay Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir Maxamed Aba Xaaji ayaa ahaa miino loogu xiray gaarigiisa waxaana ay miinadu qaraxday xili uu mareyey xaafada Xaawo taako ee Degmada Wadajir.
Ururka Al-Shabaab ayaa isticmaala tabooyin kala duwan iyaga oo marmarka qaarkiis iibsada oo lacag siiya askarta ilaalada u ah masuuliinta DFS kuwaas oo aan wax mushaara ah oo naf leh aan ka helin DFS.
Guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa ah mid degan waxaana ka socda horumar dhinac walba leh iyada oo dowlada Turkiya ay ka fulinayso mashaariic kala duwan.
A/Cawale
Halgan.net