120 Arday oo ka qalin Jebiyey D/Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici ee Laascaanood[Masawiro]

October 31, 2014 - Written by Editor

IMG_2510 [Max Width 1024 Max Height 768]Laascaanood:-Waxaa Xaflad wayn oo heer sare ah lagu qabtey Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici ee  Magaalada Laascaanod ee xarunta Gobolka Sool  ,Xafladaan ayaa waxaa lagu Sagootinayey 120 Arday oo ka qalin jebisay Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici .

Waxaa Xafladan ka soo qayb  galay Waalidiin , Macalliminta, Masuuliyiin , Arday ,Odoyaal iyo marti Sharf kale oo badan iyadoo lagu Sagootinayey laguna Gudoonsiinayey Shahaadooyin 120 Arday oo ah Dufcadii 15 aad ee ka qalin Jebisay Dugsiga Imaamu Shaafici Ilaali Iyo markii Laga furey magaalada laascaanood 1996.

Ardayda hadda ka qalin jebineysa Tiradoodu waa 120 ardayd (70 Wiilal ah iyo 50 Gabdho ah)  waana Dufcadii 15 aad ilaa iyo Mudadii la furey Dugsiga 1996 waana Dugsigii Hoose ee dhexe ee ugu Tayada wanaaagsanaa 19 kii Sano ee u danbeeyey.

Maamulaha Guud ee Dugssiag imaamu Shaafici Sh C/Laahi maxamuud Maahir ayaa ugu horreyn ka hadley Xaflada Isagaoo si wayn u qaadaa dhigey Horumarka iyo guusha uu ku Talaaabsadey Dugsigu marba marka ka danbeysa , Wuxuu Maamuluhu ka Sheekeeyey Taariikhdii ,Dusiga , goortii la aas aasey , Marxaldihii uu soo marey Dugsiga.

Sidoo kale maamuluhu wuxuu sheegey midhihii uu oo saarey in ay Bulshada Gobolka Sool iyo Cayn ay gaaadheen , laguna Intifaacey ,  maadaama uu Dugsigu Ardaydii uu  soo saarey maanta Ilaa heer Jaamacad qaarkood ay Dhameeyeen , oo ay Diyaarinayaan Shahaadada Heer ka labaad ee Master Degreega .

Wuxuu yidhi  sheegey in dugsiga Imaamu Shaafici  uu yahay Dugsi ay ka qalin jabinyeen 15 Dufco Iyagoo Ardaydii dhameysey kor  dhaafeen 1200 oo Arday , oo isugu jira wiilal iyo Hablo .

Sidoo kale waxaa la Gudoonsiiyey Abaal marino Qaali ah oo oo la siieyey Ardaydii ka qalin rogtey Dugsiga Imaamu Shaafici iyadoo ardaydu ay soo bandhigeen Bandhiga Aqooneed aad u qiimo badan oo ay ugu tala galeen Inay ku sagootiyaan Macallimiintooda Sharfta leh ee ay wax ka barteen .

no images were found

Mawliid Ismaaciil Haradigeed.
Lascanod, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online