Afhayeenka Maamulka Jubba oo sheegay in ay la wareegeen deegaano ka tirsan J/hoose
October 6, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ciidanka Maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa saakay waxay la wareegay gacan-ku-haynta deegaano ka tirsan gobalka J/hoose waxaana ka mid ah deegaannada ay la wareegeen ciidanka Maamulka KMG ee Juba iyo kuwa AMISOM Buula-gaduud, Yoontoy, Koban iyo deegaano kale.
Deegaannada ay la wareegeen ciidanka Maamulka KMG ee Juba iyo kuwa AMISOM Buula-gaduud, Yoontoy, Koban ayaa waxaa ku suganaa kooxda Al-Shabaab ka dib markii ciidankii Bare Hiiraale ay kismaayo soo galeen.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in ay Al-Shabaab ka saareen deegaanada Buula-gaduud, Yoontoy, Koban wuxuuna sheegay in ay qorsheynayaan in ay la wareegaan maalmaha soo socda Degmada Bu’aale, Salagle, Saakow iyo Jilib.
Cabdinaasir Seeraar Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay in ay dib ka faahfaahin doonaan khasaaraha kala gaaray ciidanka huwanta iyo Al-Shabaab.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka hadashay guulaha uu sheegay in ay gaareen Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax
Cabdi Yare
Kismaayo