Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! 1aad
October 9, 2014 - Written by EditorHabowga iyo ka hadfidda hilinka toosani waa wax la fil ah jiritaanka aadanaha, xilliyada iyo duruufuhu waxay mar mar abuuraan aragtiyo aan sal adag ku qotomin laakiin sidii dhalanteed ay dad badani moodaan goob roob mahiigaan ahi maaruqay oo meel walba biyo ka muuqdaan, dhab ahaanse meesha waxaa ka muuqda wirwir ee wax muuq biyood ahi meesha kama dhowa.
Hummaagga casriyeynta diintu waa mid soo maray welina ka jira dunida aynu ku noolnahay, ragga horfiiqda u ahaa aragtidaan waxay ka dhex abuurmeen jab iyo haantaa wilif ku dhacay dunida Islaamka, qaarkood waxay ka ahayd niyad wanaag, waxay dhex muquurteen arrimo ka mid ah sooyaalkii ummadda muslinka ah, waxay aad u ceebeeyeen dadkii muslinka ahaa, waxay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan caqligoodu taran lahayn ee arki jire doon ah, waxay la noqotay in sooyaalka ummaddu aanu la jaan qaadi Karin casriga.
Raggaanu waxay aad u cuskadeen caqliga, waxay wax walba halbeeg uga dhigeen caqligooda, illaa ay kitaabka iyo sunnada ka hormariyeen, waxay u weel qaadeen sidii shareecada loo casriyeyn lahaa, sidii ay kuwii reer galbeedkuba yeeleen ayaga hortood, raggaas afka carbeed waxaa loogu yeeraa (Casraaniyiin) oo ah casriyeeyeyaal, haddaba bal aan qeexno eraygaan.
Casriyeyn (Alcasraaniyah): (waa dhaqdhaqaaq isu taagay dib u cusbboonaysiinta diimaha waaweyn oo dhan sida Kiristanka, Yuhuudda iyo Islaamkaba)[1], waana waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Modernism).
Erayga Casriyeyn looma wado in lagu abtirsado casriga ee waa eray bixin gaar ahaaneed sidaa darteed ayaa lagu qeexaa eraygaan in uu yahay sidaan soo socota.
Alcasraaniyah (Modernism): (Casriyeynta diintu waa aragti diimeed ku qotonta rumaysnaan la rumaysanyahay in horumarka cilmiga iyo dhaqanka casriga ahi ay khasbayaan in dib loo fasiro aqoonta diinta ee aan sidii hore loo dayn, ayada oo laga dab qaadanayo falsafadda cilmiga ah ee xilligaas hormuudka ah)[2], qoladaani waxay u suxulduubeen in diinta la ogolaysiiyo ilbaxnimada reer galbeedka iyo aragtidooda, taas oo ah mid ku barbaartay namasta dhaqankii giriigga, sidaa darteed waa in diinta loo faruuryo xiraa ilbaxnimada reer galbeedka waana in nolosha lagu jaangooyaa iyada.[3] Halkaan ka akhriso maqaalka oo dhamaystran
[1] Alcasraaniyuun bayna mazaacim altajdiid wa mayaaddiin altaghriib, bogga 5aad
[2] Alqaamuus alingliizi, Muniir Albaclabaki, bogga586.
[3] Mafhuumu tajdiid Aldiin, Busdhaami Muxamed Saciid, bogga 96-97.
W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur