Casriyeynta diinta hummaag lagu hungoobey! 2aad W/Q Sh.Fu’aad Max’ud
October 22, 2014 - Written by EditorBeloba belo ayey dhashaaye waxaad ogaataa Muctasilada ay Casraaniyiinta bahwadaagta yihiin waxay ka soo alifeysteen Yuhuud iyo Kiristan, waxaa tusaale kuugu filan Muctasiladu waxay yiraahdeen qur’aanku waa shay la abuuray (makhluuq) taas oo ay kaga horyimaadeen Ahlusunnaha oo iyagu aaminsan in qur’aanku yahay hadalkii Alle (Kalaamullaah), aragti daasi ma ahayn mid Muctasiladu alliftay ee waxaa ugu macallin ahaa Bishr Almuraysi oo Aabbihii Yuhuudi ahaa, waxaa kale oo bidcadaan hormuud u ahaa Almuqiirah ina Saciid Alcijliyi oo ka mid ahaa taageerayaashii Cabdullahi ina Saba’ Alyahuudi.
Sidaas oo kale ayey Muctasiladu ka dab qaateen Kiristanka oo waxay ka soo guuriyeen fikradda loo yaqaan (Alqawlu bil qaddar) oo ah in aadanuhu hindiso ficilladiisa Allena uusan sharba qaddarin, fikaraddaas waxay ka soo jeeddaa Yaxye (Yooxannaa) Aldimashiqiyi & Abuu Yuunis Alnasraaniyi oo labaduba Kiristan ahaa, intaa kaliya maaha ee xataa dhidibbada shanta ah ee uu mad-habkoodu ku qotomo qayb ka mid ah ayaa nimakaas ka soo jeeda.
Waxaa dad badani ku khaldamayaan in qallooca diineed ee leh sooyaalka fog uu ku qotomo aragti muslin, dhab ahaan arrinku sidaas ma aha ee qolo walba oo weecatay waxay ka soo loox jiiteen dad diimo kale rumaysan, ilaa haddana waa sidaas oo qolyahaan cusubi waxay ka dabqaateen Mustashriqiin iyo niman reer galbeed ah oo falsafad diin la dirir ah rumaysnaa.
Duullaankii reer galbeedka.
Napoleon Bonaparte oo ahaa imbiridoorkii Faransiiska ayaa duullaan ku soo qaaday Masar 1797dii ilaa 1801dii miilaaddiga, duullaankaasi wuxuu ka tegay saamayn weyn oo jihaysay dad fara badan oo muslimiin ah kuwaas oo aad ula indho daraandaray faranjigii iyo dhaqammadiisii, waxaan meesha ka marn ayn Muustashriqiinta oo takhasus ulahaa reer bariga iyo islaamkaba kuwaas oo hoday maangaab badan oo muslin ah.
Ingiriiska oo isna duullaan ku ekeeyey Hindiya sannadkii 1756dii asaga oo ka sameeyey shirkad la oranjiray Hindiyada bari (East India Company) taas oo isu rogtey dawlad sannadku markuu ahaa 1885tii, waxay aad isugu hawleen in ay jirridaha u siibaan Islaamka iyo muslimiintaba, si taas loogu guulaysto waxay buunbuuniyeen dhaqdhaqaaqii Axmed Khaan oo isu taagay in uu isu soo dhaweeyo Muslimiinta iyo Isticmaarkii ingiriika ahaa si muslimiintu u ogolaadaan xukunka ingiriiska. Halkaan ka Akhriso maqaalka oo dhamaystiran
La soco qaybta 3aad.
W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur