Ciidamada Maamulka Jubba oo la wareegay gacanta ku heynta deegaanka Cabdalle Biroole
October 24, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamada Maamulka Jubba ayaa waxaa ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanka Cabdalle Biroole oo qiyaastii 50 km dhanka Koonfur kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada hoose.
Ciidamada Jubba ayaa waxaa weheliya ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM waxaa ay qorsheynayaan in ay qabsadaan Tuulada Buulo-Xaaji sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee Jubba.
Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waxay si xowli ah loooga dareemayaa deegaano ka tirsan goblka J/hoose wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka KMG ee Juba aya saaka ka soo ruqaansadeen deegaanka Raaskaambooni iyaga oo masaafo yar u jira Kudhaa .
Waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa deegaanada Dhobley,Qooqaani, Badhaadhe,Afmadow , Kismaayo waxaana ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubba ay qorsheynayaan in ay duulaan ku qaadaan deegaano ka tirsan gobalka J/hoose iyo J/dhexe oo ay haatan ku sugan yihiin Al-shabaab.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay 3 qof oo Al-Shabaab ah ay ku dileen deegaankaCabdalle Biroole oo 50 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan AL-Shabaab oo ka hadlay dagaalada maanta ka dhacay deegaanka Cabdalle Biroole .
Cabdi Yare
Halgan.net