Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose
October 5, 2014 - Written by EditorBaraawe:-Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalad Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii halkaas uu ka dhacay dagaal kooban oo looga itaal roonaaday kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay si buuxda ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ula wareegeen Degmada Baraawe ayna dileen 13 askari ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa mar uu ka hadlayey khasaaraha soo gaaray dhankooda waxaa uu sheegay in ay ka dhaawacmeen labo askari.
Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay kulan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada si loo adkeeyo amaanka Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidanka Al-Shabaab ee isaga baxay Magaalada Baraawe ayaa la sheegay in ay udhaqaaqeeen wadadada aada Jilib,Sablaale iyo aaga Ambareesa
A/Cawale
Halgan.net