Ciidanka DFS iyo Kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe
October 1, 2014 - Written by EditorCadale:-Ciidamada DFS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka duulaan ku qaaday degmada Cadale iyo deegaanno hoos-taga ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab waxaana halkaas isaga baxay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa maanta duhurkii la wareegay gacan ku haynta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe sida warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro waxaa kale oo ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM isku fidiyeen deegaannada Xaaji Cali Koogaar iyo Caddow-uul oo hoos-taga degmada Cadale.
Afhayeenka gobolka Shabeellaha Dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro ayaa sheegay in howlgalada looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sii socon doonaan wuxuuna sheegay in deegaanada ay tageen ay ka jirto abaaro daran isaga oo ugu baaqay DFS iyo hay’adaha samafalka inay gargaar bini’aadannimo ay la soo gaaraan deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
A/Cawale
Halgan.net