Ciidanka Maamulka Jubba oo la wareegay deegaanka Kudhaa
October 25, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta la wareegay deegaanka Kudhaa oo 100 km dhinaca koonfur uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ka dib markii ciidanka Maamulka Jubba iyo Kuwa AMISOM ay duulaan ku qaadeen waxaana Kudhaa isaga baxay Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Kudhaa ee gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in ay khasaaro gaarsiiyey ciidanka Al-Shabaab.
Dhanka kale Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay inay afar qof oo Al-Shabaab ahaa ku dileen Kudhaa isaga oo ka gaabsaday khasaaraha soo gaaray ciidanka Jubba
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobalka J/hoose ilaa inta Al-Shabaab laga sifeynayo gobalka oo dhan.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Al-Shabaab oo hadlay dagaalada ka dhacay Kudhaa iyo deegaano ku xeeran
Cabdi Yare
Kismaayo