Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta safar ku tegay Degmada Baraawe.[Masawiro]
October 11, 2014 - Written by EditorBaraawe:-Madaxweynaha DFSXasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose oo ay dhawaan la wareegeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Madaxweynaha DFS Xasan Sh ayaa waxaa uu markii uu tagay Baraawe wuxuu booqasho ku tagay xarumo kala duwan oo ku yaal Degmada Baraawe waxaana ka mid ah dekedda Degmada Baraawe cisbitaalka iyo xarumo kale.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidii ayaa sheegay in madaxweynaha DFS uu kulamo kale duwan la qaatay waxgaradka Degmada Baraawe ayna ka codsadeen waxqabad muuqda.
no images were found
A/Cawale
Halgan.net
Masawirada warfaafinta DFS