Dekeda Muqdisho oo lagu qabtay Konteenar sida Walxaha Qarxa, Hub iyo Tuute Ciidan (Masawiro)
October 28, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka Booliska ee Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta gacanta ku dhigeen Kunteenar laga soo buuxiyey walxaha qarxa gaar ahaan kuwa lagu xiro gawaarida ee lagu laayo shacabka magaalada Muqdisho .
Waxaa kale oo Kunteenarka laga dhex helay dharka tuutaha Ciidanka DFS iyo hub kala duwan .
Kunteenarka ayaa ah kii ugu horeeyey ee la qabto waxaana tuhun badan laga qabaa in kuwa kale ay u gudbeen gudaha Muqdisho.
Taliska Booliska ee Dekeda magaalada Muqdisho Maxamed Cabdi Eebow Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg , saraakiil kale oo ka tirsan DFS ayaa tagay Dekeda Magaalada Muqdisho iyaga oo saxaafada u soo bandhigay hubka lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho waloow uusan sheegin halka uu hubka ka yimid.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa is weydiinaya sida uu hub ,tuute iyo miinooyin intaas gaaraya loo haweystay in laga soo dajiyo Dekeda Magaalada Muqdisho iyada oo ay Dekeda Magaalada Muqdisho gaar ka hayaan ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha.
no images were found
Madaxda iyo Saraakiisha ciidanka DFS ayaa ilaa haatan wax war ah ka soo saarin hubka maanta lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho.
Maalmo ka hor ayaa waxaa lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho konteenarro uu qamri ku jiro taas oo ka fajicisay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net