Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Jawaari oo baaq u diray wasiirada DFS .
October 22, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta markii ugu horeysay dhaliil u diray qaar ka mid ah wasiirada ka tirsan DFS kuwaas oo uu ku eedeeyey in aysan soo xaadirin kulamada baarlamaanka DFS .
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku goodiyey in ay la xisaabtami doonaan wasiirada aan soo xaadirin kalfadhiga baarlamaanka DFS kuwaas oo ah intooda badan ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DFS.
Wasiirada DFS ayaa intooda badan waxay yimaadaan kulamada Baarlamaanka DFS marka ay jiraan arimo xasaasi ah sida kolka uu mooshin jiro ama laga hadlayo dhibaato amni oo ka dhacday dalka.
Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa ka codsaday wasiirada in ay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka wuxuuna sheegay in ay jiraan arimo badan oo hor yaal Baarlamaanka DFS.
Baaqa uu soo jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa wxaa uu ku soo aadayaa xili la wada sugayey in xildhibaanada ay cod u qaadaan arimo badan oo ay ka mid yihiin sharciga kalluumeysiga ee Xeebaha Somaliya.
A/Cawale
Muqdisho