Hay,ada SAAD oo mashruuc ka fulisay dagmada fiiq iyo tuulada dudumacad(Masawiro)
October 28, 2014 - Written by EditorHay,ada gargaarka iyo horumarinta deegaanka somalida itoobiya ayaa soo gabagbeysay mashruuc socday mudo lix bilood ah oo kana shaqaynayay dagmada fiiq ee xarunta gobolka nogob iyo tuulada dudumacad ee isla dagmada fiiq .
Mashruucan oo ay iska kaashadeen hay,ada SAAD iyo British councilka loona soo gaabiyo CSSP nuxurkiisuna ahaa in bulshada laga haqabtiro baahida dhanka biyaha aya waxay hay,adu ku guulaysatay in ay u qoday shacabka ku dhaqan tuulada dudumacad barkad wayn oo kaydisa biyaha roobka isla markaana ay bulshadu xiliga jiilaalka kaga bixi karaan.
Barkadan oo haatan buuxsantay ayaa waxaa raja wayn laga qabaa in ay bulshadu kaga bixi doonta baahidii dhanka biyaha ahaa ee xiliga roobku jirin tuuladan.
no images were found
Dhanka dagmada fiiq ayay hay,adu ka qoday ceel gacmeed ceelkaas oo laga qoday gudaha magaalada fiiq ayay shacbku si diiran u soo dhaweeyen .
Wareejinta labadan mashruuc ayaa waxaa ka soo qayb galay maareeyaha hay,ada SAAD ee magaalada jigjiga mudane Mohamed Ayanle Dahir madaxa mashruca CSSP ga mudane Abdulahi Sheikh Muxumed iyo masuuliyiin ka socday xafiiska biyaha dagmada fiiq .
Ugu danbayntii shacbka ku dhaqan tuulada dudumacad ayaa si farxad iyo raynrayn ah kaga gudoomay barkadan ay hay,adu u qoday waxayna balan qaadeen in ay ilaashanayaan .
Hay,ada SAAD
Halgan.net