Kulan-cilmiyeed ka furmay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug[Masawiro]
October 16, 2014 - Written by EditorGaldogob :-Habeenimadii khamiistu soo galaysay ee ku beegnayd 15/10/2014 ayaa lagu qabtay masjidka Jaamaca ah ee magaalada Galdogob ee gobolka Mudug kulan-cilmiyeed balaaran oo ay soo abaabuleen culumada mu,ssasada Alminhaaj , kulanka ayaa lagu daah furay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo wada qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada (Maamulka, guurtida,culumaaudiinka, waxgaradka , dhalinyarada, haweenka IWM.)
Xaflada ayaa waxaa daahfuray gudoomiyaha degmada Xassan Faarax Jirac wuxuuna ka hadlay ahamiyada ay leeyihiin kulamada noocaan oo kale ah, iyo in la horumariyo aqoonta gaar ahaan da’yarta soo koraysa, iyo in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee degmada.
Waxaa kaloo kalmad qaymo badan kasoo jeediyey xaflada Xildhibaan C/risaaq Yaasiin C/lle oo ku dheeraaday khatarta tahriibku uu ku hayo mujtamaca soomaaliyeed iyo sidii looga hortagi lahaa. Gudoomiyaha golaha guurtida Sh.Max,ud Yusuf Muuse ayaa hadalo dhiirigalin ah iyo tix gabay ah kasoo jeediyey kulanka.
Sh,Axmed Dheeli oo ku hadlayey afka muassasada Alminhaaj ayaa ka hadlay in hadafka kulanku yahay sidii looga wada tashan lahaa habkii loo horumarin lahaa waxbarashada diinta, waxgaradkii kala duwanaa ee halkaa ka hadlay ayaa dhamaantood soo dhaweeyey kulan-cilmiyeedka , bulshadana ugu yeeray inay ka faaiidaystaan.
Kadib ayaa loo gudbay darsigii ugu horeeyey ee kulanka oo ay si wadajir ah usoo jeediyeen Sh. Mahad C/laahi Iyo Sh.Xassan Daahir Cabdi , waxayna si faahfaahsan uga hadleen fadliga cilmiga iyo ahamiyadiisa iyo darajada Allaah xagiisa ay ku leeyihiin culumada iyo ardayda barata cilmiga diiniga ah.
Kulanka oo socon doona mudo 3 bari ah ayaa lagu lafaguri doonaa habkii loo horumarin lahaa barashada diinta gaar ahaan duruusta masaajidda ee xalaqaadka, sanadkaan horaan tisii ayey ahayd markii culumada soomaaliyeed ay ku qabteen magaalada Laascaano shir wayne looga arinsanayey habkii loo horumarin lahaa xalaqaadka cilmiga ee masaajida.
no images were found
C/raxmaan Jabbiin
Galdogob ,Halgan,net