Machadka (HESPI) oo shir looga hadlayo Federalka ku qabtay Addis-Abba
October 23, 2014 - Written by EditorAddis:-Machadka siyaasada dhaqaalaha iyo Bulshada ee geeska afrika (HESPI), oo uu ka yahay Managing Director iyo Cilmi baare Dr.Cali Ciise Cabdi ayaa waxaa ku qabanayaa magaalada Addis -Abba dood cilmiyeed ku saabsan Federaalisamka Soomaaliya waxaa kulan ka uu socon doonaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 23 October 2014 ilaa 25 October 2014 iyadoo kulankaan lagu casumay , aqoon yahano , siyaasiyiin, iyo bulshada rayidka ah.
Kulan uu soo abaabulay Machadka siyaasada dhaqaalaha iyo Bulshada ee geeska afrika (HESPI) ayaa waxaa lagu falaqan doonaa nidaamka Federaalisamka oo la doonayo in Soomaalya laga hirgeliyo walow siyaasiyiinta Soomaaliya ay arrinta Federaalisamka ay ku kala argati duwan yihiin, kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Madaxweynaha Kaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo aqoon yahano kale.
Machadka siyaasada dhaqaalaha iyo Bulshada ee geeska afrika (HESPI),ayaa u jeedka kulanka ay u qabteen waxaa uu yahay mid lagu aruurinayo fikradaha kale duwan iyadoo la filayo in kulanka ay ka soo qayb galaan siyaasiyiin kale duwan oo afrikaan ah.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay 50 – 60 qof oo iskugu jira siyaasiyiin , Aqoon yahano iyo waxgarad ka tirsan Bulshada rayidka ah, qodobada laga doodi doono ayaa waxaa ka mid ah:-
1. Dabeecadda iyo qaab federaalka, geeddi socodka Soomaaliya iyo qaabka loo hirgelinayo Dastuurka.
2. Qaabka loo ballaarin karo dhismaha maamul gobolleedyada iyo qaabkooda.
3. Baahinta awooda dowladda Federaalka heerareeda kale duwan gaar ahaan Maaliyadda , Kheyraadka dabiiciga ah Iwm Halkaan ka eeg Conference on Federalism in Somalia 23–25 Oct.2014 @ UNECA Conf. Centre
Kulanka uu soo qaban qaabiyey Machadka dhaqaalaha iyo siyaasada Geeska Afrika [Horn Economic and Social Policy Institute HESPI] ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Federaalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cabdisalaan , Safiirka Igad ee Soomaaliya Maxamed Afey.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Guddoomiyaha golaha wasiiraha ee IGAD, ayaa xusay in shirkaan uu yahay mid muhiim ah isagoo uga mahadceliyey Machadka Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Geeska Afrika.Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr Tedros Adhanom, ayaa hadalkiisa ku biaabay in dalka Soomaaliya uu ka jiro horumar la taaban karo isagoo ku dooday in Al-shabaab degaano ay ka talin jireen ay kala wareegeen ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna muhiim tahay in gooba laga qabsaday Al-shabaab laga sameeyo maamulo Federaal ah isagoo ku faanay in Nidaamka federaalka ay waayo aragnimo u leeyihiin dalka Itoobiya.
Madaxa Machadka dhaqaalaha iyo siyaasada Geeska Afrika [Horn Economic and Social Policy Institute HESPI] Dr. Cali Ciise Cabdi oo isagaa kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga hadlo System Federaalka maadaam dadweynaha Soomaaliyeed ay ka kala aaminsan yihiin laba aragti oo kala ah kuwa qaba in System Federalka uu yahay mid wax u dhimaya Midnimada Umada Soomaalyeed oo kala qaybinaya halka qolyaha kale ee ka soo horjeeda ay aaminsan yihiin in Nidaamka Systemka Federaalka Soomaaliya uu yahay Nidaamka kaliya oo lagu maamuli karo dalka Soomaaliya awoodna loo qaybsan karo.
Safirka IGad ee Soomaaliya Maxamed Afey oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu bogaadiyey nidaamka Federaalka ee ka hirgalay dalka Itoobiya uuna u horseeday nabad iyo xasilooni isagoo ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedejiyaan hirgelinta nidaamka Federaalka Soomaaliya ee ku qoran Dastuurka Soomaaliya.
Safiirka dowladda federaalka Somaaliya ee Itoobiya Axmed Abdisalam oo isagaa goobta ka hadlay ayaa waxaa sheegay in ay muhiim tahay in Nidaamka Federaalka ee la doonayo in laga hirgelyo Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaataan Kubaro aqoon u leh oo Soomaaliya ka saacida in bulshadu ay fahamto wax la yiraahdo Dowladda Federaal aha ama arrimaha Federaalka. Halkaan ka eeg qoraal lagu daabacay barta wasaaradda arrimaha dibada ee Itoobiya
Halgan.net