Madaxwaynaha Puntland oo Salaadii Ciidul Adxaa saaka kula tukaday Boqolaal dadweyne ah magaalada Garoowe [Masawiro+Cod]

October 4, 2014 - Written by Editor

IMG_9829Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada dowladda Puntland gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta kula tukaday Salaadii Ciidul Adxaa Kumanaan Dadweyne ah . Tukashada Salaada Ciida ayaa waxaa sidookale Goob joog ahaa Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ,Wasiiro , gudoomiyaha Baarlamaanka, Waxgarad ,isimo , Cuqaal, iyo dadweyne Badan .

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tukashada Salaada Ciida kahor lahadlay Dadwaynihii ku sugnaa Goobta,waxana uu u Hambalyeeyay dhamaan Umadda Muslimiinta ah meelkasta oo ay joogan. ”Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan Umadda Muslimiinta ah,Umadda Puntland iyo Dhamaan Umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaan leeyahay Ciid Mubaarak”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

”Ilaahay waxaan inooga baryayaa in ciidaan ciideeda kale uu nagu gaarsiiyo Nabad, Horumar,Wadajir iyo Alle kacabsi,waxana ilaahay ka rajaynayaa in uu noo aqbalo ”Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

”Ciidanka Puntland meelkasta oo ay joogaan waxaan ku bogaadinaya Guulihii wanaagsanaa ee ay ka soo hoyeen la dagaalanka Burcad diimeedka xalaalaystay dhiiga dadka Muslimiinta ah aad iyo aad ayaanu uga mahadnaqaynaa Ciidankayaga ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas .

”Shacabka Puntland Meelkasta oo ay joogaan waxay abaal u hayaan ciidamadeena oo runtii guulo la taaban karo oo wax ku ool ah ka soo hooyey ladagaalanka Burcad diimeedkaasi ”Ayuu Yiri Madaxwayne Cabdiweli Gaas”.

Dhalinyarada lamarin Habaabiyay ayaa Madaxwayne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ugu dambeyn ugu baaqay in Cafiska uu ufideyey ay ka faa’iidaystaan iyagoo og in waxa ay u dagaalamayaan aysan ahayn diin.

no images were found

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Gaas

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/knbob5tbeu/gaas_ciid14.mp3]

-Dhammaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

Archives
October 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online